Home Wararka Somaliya Galmudug Akhriso Xogta Safarada Madaxweynaha iyo dalka uu ka Helay Marti qaadka

Akhriso Xogta Safarada Madaxweynaha iyo dalka uu ka Helay Marti qaadka

0

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in todobaadkan safarkiisa u horreeyay oo dibadda ah u ambabaxo, isaga oo ku sii jeeda dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayed.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa bud-dhig u noqon doona dib u dhalashada xiriirka Labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka oo aad u xumaaday sanadkii 2018 waqtigii dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Imaaraadka ayaa la filayaa inay buuxiso booskii dowladda Qatar ku jirtay dhinaca taageerada ee dowladdii hore, inkastoo aanu xilligan jirin khilaafkii labada dal ee Khaliijka u dhaxeeyay.

Ad
Previous articleGalmudug oo soo Bandhigtay Mayd iyo xub ay shalay Shabaab Looga Furtay Dagaalkii Baxdo (Sawiro)
Next articleDuulimaadyada Gudaha oo Gabi Ahaanba La Joojiyay iyo Sababta oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here