Home Wararka Maanta Ahlusuna oo inta Badan Dhuusamareeb la Wareegtay iyo Dagaal Wali Socda

Ahlusuna oo inta Badan Dhuusamareeb la Wareegtay iyo Dagaal Wali Socda

0

Wararkii ugu danbeeyay Xaaladda Magaaladan Dhusomarreeb.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Ahlusunna ayaa hadda xoggiisa waxa uu ka socdaa Xaafadda Siinaay, Suuqa Weyn ee Dhusomarreeb illaa wadada laamiga ee ku teedsan Isbitaalka Weyn ee Dhusomarreeb iyo Isbitaalka Xanaano.

Dagaalka oo saaka ku bilaawday Rasaas lais weedaarsanayay ayaa hadda noqday mid aad u xooggan oo labadda dhinac ay hub culus isku adeegsanayaan.

Dagaalka ayaa wali socda waxaana Masasuuliyiin ka tirsan labadda dhinac oo Warbaahinta Galgaduud lasoo xariiray uu dhinac walba sheeganayaa in dagaalka ay dhankooda ku gacan sareeyaan.

Waxaa dhammaan istaagay dhaqdhaqaaqii Ganacsi iyo isku socodka Bulshadda, waxaana Magaaladda Dhusomarreeb ka barakacay inta badan Dadka Shacabka ah..

 

Ad
Previous articleAadan Madoobe oo Fariin U Diray Xildhibaanada Labada Aqal
Next articleGalmudug iyo Ahlu-suna oo ka hadlay Dagaalka ka socda Caasimada Dhuusomareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here