Home Wararka Maanta Agab caafimaad oo lagu Wareejiyay Saraakiisha Milateriga ee Galmudug kuna sugan Furima...

Agab caafimaad oo lagu Wareejiyay Saraakiisha Milateriga ee Galmudug kuna sugan Furima Dagaalka Mudug (Sawiro)

0

Qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Dhuusamareeb oo isu xilqaamay dhiirigelinta Ciidamada Qaranka ee ku jir furumaha hore ee dagaalka lagu ciribtirayo  Al-Shabaab ayaa waxa ay gaarsiiyeen agab caafimaad si loogu dabiibo ciidamada Dhaawacyada ay soo gaaraan.

Agabkaan caafimaad oo ka koobnaa kuwa gargaarka deg dega ah iyo kuwa kale ayaa Waxaa kala wareegay taliyaha ciidanka dhulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi iyo wasiirka Amniga Gaalmudug Axmed Macalin Fiqi kuwaasi oo si la mid ah ku sugan furumaha Dagaalka.

Dr. Mahad Cabdullaahi Shiine Madaxii hore ee hogaanka caafimaadka ciidanka xoogga Dalka ooh or kacay bulshada isi xilqaantay ayaa agabkaan ku wareejay waxaana uu balan Qaaday inay mar walbo garab taaganyihiin ciidamada utaagan difaaca dalka ,Diinta iyo Dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka general Maxamed tahliil Biixi iyo wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahadceliyay garab istaaga ay shacabka u Muujiyan ciidankooda waxaana sidoo kale ay ugu baaqeen in dhamaan shacabka ku dhaqan Galmudug ay la shaqeeyaan ciidanka si looga adkaado loogana ciribtiro Alshabaab Deegaannada faro ku tiriska ay kaga harsanyihiin deegaannada Galmudug.

Ad
Previous articleDagaal saacado qaatay oo Gobalka Mudug ku dhexmaray Alshabaab iyo dadka Deegaanka
Next articleDiyaarado Dagaal oo Duqeymo ka Fuliyay Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here