Home Wararka Somaliya Galmudug Agaasimihii Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug oo La Afduubtay

Agaasimihii Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug oo La Afduubtay

0

Magaalada Caabudwaaq ayaa hadda waxaa lagu afduubtay Agaasimaha guud Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug iyo shaqaalaha Wasaaradda.

Agaasimaha iyo shaqaalaha ayaa lagu waday in berri ay qabtaan doorashada Guddoomiyaha degmadda iyo kuxigeenkiisa.

Kooxda afduubatay ayaa la sheegay in ay diidanaayeen habka Wasaaraddu uwado doorashada guddoonka.

Maalmihii lasoo Dhaafay Waxaa Degmada caabudwaaq Ka Taagnaa Xiisad Salka Ku Haysa Dhismaha Golaha Deegaanka Degmadaas oo Qabaailada Qaar Sheegeen in Xuquuqdoodii la Duudsiiyay.

Dhawaan ayay Ahayd Markii Maleeshiyaad Hubaysan Ay la wareegeen Airportka Magaalada Caabudwaaq laba Todobaad kadib ayaa Ciidamada NISA Xoog uga Saareen Maleeshiyaadki la Wareegay Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq.

Ad
Previous articleAl-Shabaab oo Shabeelada Dhexe ku dishay 10 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan Dad waayeelo
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Qaraxyo Ka Dhacay Degmada Deyniile

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here