Home Wararka Maanta AFRICOM oo War ka soo saartay duqeyn Al-shabaab lagula beegsaday Jilib

AFRICOM oo War ka soo saartay duqeyn Al-shabaab lagula beegsaday Jilib

0

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa faahfaahin kooban looga bixiyey  duqeyn ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkan laba maalmood ka hor laga fuliyay Jilib oo ah xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ku leedahay Koonfurta Somalia

“AFRICOM oo kaashaneysa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday weerar cirka ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya 20-kii Maajo, 2023,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM.

Laguma sheegin War-saxaafadeedka goobaha rasmiga ah ee duqeynta lala beegsaday balse AFRICOM waxay sheegtay inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarkan.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO ENGLISH AH

Ad
Previous articleDuqeyn culus oo ka dhacday Jilib & Dowlada Oo War kasoo Saartay
Next articleAgaasimaha NISA Mahad Salaad Oo La Kulmay Madaxda CIA Iyo FBI-Da Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here