Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Afhayeenkii Maxakiimta islaamiga ahaa oo loo mGacaabay Wasiirka Maalyada…..

Afhayeenkii Maxakiimta islaamiga ahaa oo loo mGacaabay Wasiirka Maalyada…..

0

Madaxweynaha  Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hir-Shabeelle Cali Cabdulle Nuur Isagoo xilka Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Hirshabeelle u Magacaabay Cabdiraxiin Ciise Caddow.

Magacaabista xilkan ayaa yimid ka dib wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle caawa.

Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa hadda haya xilka agaasimaha Shaqada & Shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo sidoo kale xilal kala duwan ka soo qabtay.

Caddow oo ahaa afhayeenkii ciidamada Maxaakiimta Islaamka ee Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka kula dagaalamay ciidamada Itoobiya ayaa mudooyinkan waxaa uu ka mid ahaa mucaaradka dadban oo dhaleeceeya maamulka Cali Guudlaawe oo uu marar badan ku eedeeyey waxqabad la’aan.

Ad
Previous articleNin ka Tirsan Alshabaab oo Asagoo Qarax Gaari ku Xiraaya Gacanta Lagu Dhigay(Sawiro)
Next articleAlshabaab Wada Ku taal Muqdisho Qarax ku Asaayay oo Asagii Ku Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here