Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Senator Abshir Maxamed Axmed Bukhaari ayaa ka hadlay Go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kula wareegay maamulka Doorashada iyo amniga.
Senator Abshir Bukhaari oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu kusoo dhaweeyay Go’aankii Ra’iisul Wasaaraha loogu wareejiyay Doorashada iyo amniga Qaranka, isla markaana sheegay in heshiiskii 17 Sebtembar 2020 uu yahay saldhiga laga duulayo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayuu Alle uga baryay inuu u fududeeyo Mas’uuliyadaas adag ee uu u dhiibay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, uuna u guto si xilkasnimo iyo hufnaan ay ku jirto.