Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Abaabul Dagaal oo Dib loogu noqonaayo Degmada Moqokori oo ka socda Gobolka...

Abaabul Dagaal oo Dib loogu noqonaayo Degmada Moqokori oo ka socda Gobolka Hiiraan

0

Wararka ka imaanaya degmooyinka Buula-burte iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ka socdaan abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolkaasi.

Abaabulkan ayaa wararku sheegayaan in ay ku wajahan yahay deegaanadii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka uga soo baxeen shalay deegaanada Moqokori, Yasooman iyo kuwa kale.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in abaabulka qeyb ka yihiin dowlado shisheeye oo dagaalka ka socda gobolka Hiiraan uga qeyb qaadanaya duqeymo dhinaca cirka ah ay la beegsanayaan Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowldda iyo kuwa deegaanka ayaa wadahadal kaddib isla gartay in dib ugu noqdaan deegaanadii ay kasoo baxeen ,ayna halkaasi kasii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee guud ahaan looga saarayo gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa shalay kasoo baxay deegaano ay horey uga saareen Al Shabaab, waxaana deegaanadaasi dib ugu laabtay dagaalyahanada Al Shabaab oo horey ugu sugnaa meelo aan ka fogeyn deegaanada laga saaray.

Ad
Previous articlefaahfaahin: Dagaal ka Dhacay Gudaha Saldhiga Degmada Qardha
Next articleMidowga Yurub oo ka dayriyey xaaladda bani’aadanimo ee Tigray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here