Home Wararka Maanta Abaabul Ciidan oo Xoog leh oo Maantay Kasocda Waqooyiga Magaalada Muqdisho+Ujeedada

Abaabul Ciidan oo Xoog leh oo Maantay Kasocda Waqooyiga Magaalada Muqdisho+Ujeedada

0

Waxaa hadda magaalada Muqdisho ka socda kulan u dhaxeeya siyaasiyiinta, odayaasha, aqoonyahanada iyo saraakiisha ciidan ee beesha Galmaax Yoonis iyo xildhibaano ka wakiil ah ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo ka socda guriga xildhibaan Cusmana Xaadoole ee degmada Kaaraan ayaa waxaa ku sugan saraakiil ay ka mid yihiin Korneyl Masdile iyo Yaasiin Geedi oo kasoo jeeda beesha Galmaax iyo xildhibaan Yaasiin Farey iyo Maxamed Cajiib oo sida la sheegay inuu soo diray Xasan Sheekh kuna beel ah.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu isku dayayo inuu dejiyo xiisadda ka dhalatay magacaabista guddoomiyaha gobolka Banaadir, oo uu shalay u magacaabay Yuusuf Madaale kadib markii uu ka baxay ballan uu horey uga qaaday beesha Galmaax oo ah tan ugu badan ee degta gobolka Banaadir.

Saraakiisha iyo ciidanka Galmaax oo ah kuwii ugu badnaa ciidamada Badbaado Qaran ee Xasan Sheekh ku difaacay Mirinaayo markii uu Farmaajo ku weeraray kana hortagay muddo kororsiga, ayaa ku hanjabaya inay xuquuqdooda ku dhacsan doonaan xabad.

Korneyl Masdile, Yaasiin Geedi iyo Korneyl xildhibaan Xaadoole ayaa la rumeysan yahay inay haystaan boqolaal ciidan iyo boqolaal gawaari dagaal ah, taasi oo cabsi gelisay madaxweynaha.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Xasan Sheekh uu markii ugu horreysay taleefon kula hadlay xalay xildhibaan Xaadoole kadib markii uu xiisadda dareemay, inkasta oo tan iyo markii la doortay uu diidanaa inuu la kulmo.

Ka sokow in Xasan Sheekh uu xilka guddoomiyaha gobolka siiyey beesha Daa’uud oo ah seediyaashiis, haddana waxaa la sheegay in odayaasha iyo saraakiisha Galmaax ka careysan yihiin hadal laga soo xigtay Xasan Sheekh oo ahaa inuu yiri “Galmaax kuma jiro nin u qalma inuu gobolka maamulo.”

 

 

 

 

Ad
Previous articleMaxaa looga Hadlay kulanka Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Maantay(Sawiro)
Next articleQaramada Midoobay oo Soo Faragalisay Khilaafka U Dhexeeyay Dowlada Iyo Maamul Goboleedyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here