War kaso baxay xafiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiski ay Muqdisho ku wada gaareen Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadda xilka gaarsiinta ee Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in lasii waddo qodobada dhiman ee heshiiska si loo dhameystiro, waxaana ay ku baaqday in loo gudbo Mowduucyadda dhiman ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka.
“Qaramada Midoobay waxay si diiran usoo dhawaynaysaa heshiiskii ay caawa ku dhawaaqeen Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Benaadir iyo sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta, waxayna bogaadinaysaa kuna tilmaamaysaa heshiiskaasi tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, ayadoo ku tilmaamaysa mid u adeegaya danaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Muqdisho iyo Soomaali oo dhan”
Warka kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ayaa intaas kusii daray “Qaramada Midoobay waxay ku dhiiri galinaysaa dhammaan ka qayb galayaasha wada hadaladan inay sii wadaan si ay u xalliyaan mawduucyada kale ee harsan si ay ku jirto isku tanaasul iyo niyad wanaa”