Home Wararka Maanta Wasiirkii Hore ee Amniga Galmudug oo Weerar ku qaaday Qaar ka mid...

Wasiirkii Hore ee Amniga Galmudug oo Weerar ku qaaday Qaar ka mid ah Culimada

0

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Macalin (Fiqi), ayaa weerar afka ah ku qaaday wadaado uu ku tilmaamay inay yihiin wahaabiyiin uu sheegay in doonayaan in ay xallaalsadaan dhiigga culimada Ahlusunna Waljamaaca.

Fiqi ayaa ku eedeeyay wadadaadaas in ay fatwoodeen in la weeraro magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud isla markaana Ahlusunna loola dagaalamo si lamid ah ururka Alshabaab.

“Wadaadada wahaabiyadu waxay fatwoodeen dagaalka Guriceel ayagoo ku tilmaamay Ahlusuuna mushrikiin iyo in ay Shabaab la mid yihiin,” ayuu yiri wasiir hore Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook, isagoo dhinaca kale madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor ku eedeeyay inuu maalinta mowliidka ee xuska Nebiga kusoo beegay dagaal uu sheegay in lagusoo qaaday Guriceel.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, oo dhawaan xilka iska casilay, ayaa kasoo horjeestay in dagaal lagu qaado magaalada Guriceel, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynaha Galmudug uu xal u arko in la weeraro Ahlusunna Waljamaaca.

Hadalka Fiqi ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wararka ka imaanaya Guriceel ay sheegayaan in qarka loo saaran yahay inuu ka bilowdo dagaal dhexmara ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleMadaxweyne Axmed Madoobe oo Soo dhamaystiray Liiska Aqalka sare
Next articleSomaliya iyo Masar oo ka wadahadlay amniga sidii la isaga kaashan lahaa