Home Wararka Somaliya Jubbaland Madaxweyne Axmed Madoobe oo Soo dhamaystiray Liiska Aqalka sare

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Soo dhamaystiray Liiska Aqalka sare

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa soo saaray liiska magacyada afarta musharax ee ka harsaneyd kursaasta Aqalka sare xubnaha uga mid noqonaya maamulka Jubbaland.

Sideed Musharax ayaa ku wada tartami doona afarta kursi ee liiskooda uu soo gudbiyay madaxweynaha Jubbaland, waxaana kuraasta labo ka mid ah ku tartami doono afar haween ah.

Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah Maamul goboleedka Jubbaland loo waxaa horay loogu soo doortay inta badan kuraasta aqalka sare ku lahaayeen Jubbland, waxaana jiray cadaadis Jubbaland kaga yimid beesha caalamka, kaasi oo ku aaddanaa in qoondada haweenka ay ilaaliyaan, waxaana taasi ay keentay in hadda loo xiro haweenka kuraasta qaar.

Ad
Previous articleWasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Boqortooyada Sweden ee Soomaaliy
Next articleWasiirkii Hore ee Amniga Galmudug oo Weerar ku qaaday Qaar ka mid ah Culimada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here