Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug ayaa goor dhow gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somaliya halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa muqdisho u tagay ka qeyb galka shirka Dowlada ku baaqday kaasi oo hada u muuqda mid aanan suura galeenin.
Warar warbaahinta Mudug24 heshay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu qorsheenayo la kulanka xubnaha Mucaaradka si uu u sameeyo isku soo dhawaansho khilaafka jira.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu sameeyo kulamo gooni gooni ah kuwaasi oo durba ka bilowday magaalada Muqdisho.
Ad