Home Wararka Somaliya Agaasimaha Hey’adda Maaraynta Miino-baarista iyo walxaha qarxa ee Galmudug oo Maanta xilkii...

Agaasimaha Hey’adda Maaraynta Miino-baarista iyo walxaha qarxa ee Galmudug oo Maanta xilkii la Wareegay (Sawiro)

0

Munaasabadda xil-wareejinta agaasimaha Hey’adda Maaraynta Miino-baarista iyo walxaha qarxa ee Galmudug ayaa maantay ka dhacday xarunta wasaaradda amniga ee caasimadda Dusamareeb.

Agaasimaha cusub ee Hey’adda GEMA Md. Maxamed Cusmaan Maxamed oo la magacaabay laba todobaad ka hor ayaa maantay si rasmi ah ula wareegay xilka, ayadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirka wasaaradda amniga Gudaha Galmudug, agaasimaha guud iyo hawlwadeenada wasaaradda.

Md. Maxamed agaasimaha cusub ee Hey’adda ayaa loo rajeeyey hawl-gudasho wacan iyo in ilaahay u fududeeyo waajibaadka culus ee loo xilsaaray.

Munaasabaddan xilwareejinta ayaa ku soo aadaysa xilli dadka Galmudug ay la kulmayaan dhibaatooyin ka soo gaaraysa miinooyinka iyo walxaha qarxa ee ku duugan dhulka hoostiisa, Galmudug lagu tiriyo dhulka ugu badan miinooyinka iyo walxaha qarxa ee Soomaaliya, lagana filaayo hey’addan in ay maarayso isla markaana isku xirto hey’adaha miina-saarista ee ka hawlgala Galmudug.

Ugu danbayn wasiirka amniga ayaa dhammaan hey’adaha kala duwan ee ka shaqeeya Miina-baarista ka codsaday in ay la shaqeeyaan agaasinka cusub.

Ad
Previous articleSheikh Shariif oo si kulul uga Hadlay Kiiska ikraan Tahliil Faarax iyo Khilaafka Rooble iyo Farmaajo
Next articleTaliyaasha Ciidamada oo hadda ku shirsan Xarunta Taliska Boliiska Soomaaliya (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here