Xafiiska Ombudsmanka Takooridda ee Sweden (DO) ayaa go’aamiyay in Jaamacadda Lund aysan ku kicin takoor ka dhan ah haweeney uur leh, inkastoo jaamacaddu ay kala laabatay shaqo ay hore ugu bandhigtay kadib markii ay ogaatay uurkeeda.
Haweeneyda ayaa bishii Diseembar 2025 codsatay shaqo xisaabiye oo ka bannaaneyd hay’ad hoos tagta Jaamacadda Lund, waxayna martay laba wareysi shaqo.
4-tii Febraayo 2026, mas’uulka shaqaaleysiinta ayaa taleefan ugu sheegay inay heshay shaqada. Markii ay aqbashay dalabka, waxay isla markiiba u sheegtay inay uur leedahay, waxayna weydiisay inay suurtagal tahay inay shaqeyso waqti-dhiman inta ay uurka leedahay.
Maalintii xigtay, mas’uulka ayaa ku wargeliyay in hay’addu aysan sii doonayn inay shaqaaleysiiso.
Haweeneyda ayaa dacwad u gudbisay Xafiiska Ombudsmanka Takooridda (DO), iyadoo ku doodday inay shaqada ku wayday uurkeeda awgiis.
Si kastaba ha ahaatee, DO ayaa baaritaankiisa ku soo gabagabeeyay inuusan helin caddeyn ku filan oo muujinaysa in go’aanka jaamacaddu uu salka ku hayay uurka haweeneyda, sidaas darteedna uusan jirin takoor sharci ahaan la xaqiijiyay.



