Qoyska Maxamed Mansuur ayaa isu diyaarinaya inay ka baxaan Iswiidhan kuna laabtaan Suuriya 2-da Sebtembar, kadib markii ay heleen lacagta ugu badan ee barnaamijka dib-u-noqoshada iskaa ah ee ay dowladda Iswiidhan bixiso, taas oo gaareysa 600,000 oo karoon.
Maxamed Mansuur ayaa sheegay in go’aanka qoysku uusan salka ku hayn helitaanka lacagta, balse uu yimid kadib isbeddelladii siyaasadeed ee ka dhacay Suuriya, oo uu ku jiro riditaankii Bashaar Al-Asad, iyo sidoo kale dareen ah in qoysku uusan si buuxda ula qabsan nolosha Iswiidhan ama uusan dhisan xiriir bulsho oo deggan.
Qoysku waxay iibiyeen inta badan alaabtii gurigooda oo ku yaallay magaalada Eskilstuna, waxaana ka haray shan boorso oo keliya, iyagoo isu diyaarinaya safarkooda dib ugu laabanaya Suuriya.
Wareysi uu siiyay wargeyska ETC, Maxamed Mansuur ayaa yiri: “Ma doonayaa inaan noloshayda oo dhan qaxooti ahaado?”
Sida lagu sheegay warbixinta, qoyska Mansuur waxay Iswiidhan yimaadeen qiyaastii saddex sano iyo bar ka hor iyagoo ka mid ahaa barnaamijka dib-u-dejinta qaxootiga ee Qaramada Midoobay, kadib markii ay ka carareen Suuriya.
Maxamed Mansuur ayaa sheegay in muddo bil ah ay xireen maleeshiyaad taageersanaa nidaamkii Bashaar Al-Asad, kaddib markii magaciisu uu la mid noqday qof ay doonayeen. Wuxuu sheegay in muddadii uu xirnaa lagu sameeyay su’aalo iyo jirdil, ka hor inta aan lagu sii deyn lacag madax-furasho ah. Waxa uu sidoo kale sheegay inuusan waligiis ka fikiri lahayn inuu ku laabto Suuriya haddii nidaamkii hore uu weli talada hayn lahaa.



