Iyada oo weli halkiisii uu yahay khilaafa siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda dhexe ayaa waxaa haatan maamulka fadhigiisu yahay Garoowe eedeyn culus oo yaableh u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.
Hadal uu maanta jeediyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa waxa uu ku weeraray dowladda federaalka, isaga oo ku eedeeyay inay caqabad ku tahay daryeelidda dhaawacyada ciidamada Puntland ee dagaalka kula jiro kooxda Daacish.
Ilyaas Lugatoor ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dowladda dhexe aanay weli wax taageero ah siinin Puntland, ayna ku fashilantay kaalmada dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay ka maamul ahaan iyagu tashan doonaan , isla-markaana wax taageero ah aanay waydiisan doonin xukuumadda Soomaaliya.
“Dawladda Federaalka annagu ka codsan mayno taageero, wayna ku fashilantay inay gacan siiso dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish. Dhaawacii u dambeeyay ee la qaadi lahaa ayay hor istaagtay ogolaanshihiisa,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in askartii ugu dambeeyay ee ku dhaawacmay dagaalka kooxda Daacish loo qaaday dhanka dalka Ethiopia, kaddib markii dowladda dalkaasi ay ka caawisay Puntland in ciidamada dhaawacyada culus qaba halkaasi lagu soo daaweeyo.