Home Wararka Maanta Dowlada Puntland oo Edayn Yaableh u jeedisay Dowlada Soomaaliya

Dowlada Puntland oo Edayn Yaableh u jeedisay Dowlada Soomaaliya

0

Iyada oo weli halkiisii uu yahay khilaafa siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda dhexe ayaa waxaa haatan maamulka fadhigiisu yahay Garoowe eedeyn culus oo yaableh u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Hadal uu maanta jeediyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa waxa uu ku weeraray dowladda federaalka, isaga oo ku eedeeyay inay caqabad ku tahay daryeelidda dhaawacyada ciidamada Puntland ee dagaalka kula jiro kooxda Daacish.

Ilyaas Lugatoor ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dowladda dhexe aanay weli wax taageero ah siinin Puntland, ayna  ku fashilantay kaalmada dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay ka maamul ahaan iyagu tashan doonaan , isla-markaana wax taageero ah aanay waydiisan doonin xukuumadda Soomaaliya.

“Dawladda Federaalka annagu ka codsan mayno taageero, wayna ku fashilantay inay gacan siiso dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish. Dhaawacii u dambeeyay ee la qaadi lahaa ayay hor istaagtay ogolaanshihiisa,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in askartii ugu dambeeyay ee ku dhaawacmay dagaalka kooxda Daacish loo qaaday dhanka dalka Ethiopia, kaddib markii dowladda dalkaasi ay ka caawisay Puntland in ciidamada dhaawacyada culus qaba halkaasi lagu soo daaweeyo.

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleKumaanan Qof oo Soomaali ah ku xayiran Dalka Dibadiisa iyo Gudaha diyaarado la,aan owgeed
Next articleBilyaneerka Mareykanka ee Elon Musk oo cambaareeyay cabashadii ka timid salaantii halka gacan ee Donald Trump