Waxaa maanta Garoonka diyaradaha Ugaas nuur ee Magaalada Dhuusamareeb Soo gaaray wafdi uu hogaaminaayo Sanatar Axmed Dhuxulow oo ku magacdheer “Dhagdheer” kana mid ahaa Baarlamaankii 10 aad ee uu waqtiga ka idlaatay kaalin weyne ku laha dhismihii maamulka Galmudug ee Mudane Axmad Cabdi kaariye Qoor-Qoor madaxweynaha uu kayahay.
Sanatar Dhuxulow oo si weyn Galmudug iyo Soomaaliya looga yaqaan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Dhuusamareeb, waxaana dadkii soo dhaweeyey kamid ahaa Xildhibaano,wasiiro,saraakiil ciidan iyo qaybo Bulshada ka mid ah.
Sanatar Dhagdheer ayaa markale waxa uu kamid yahay Musharaxiinta u taagan sanatarada aqalka sare waxaana muddo 21-sano ah kamid yahay
Baarlamanka Soomaliya.
Ad