Home Wararka Somaliya Rooble oo u Hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Maanta ay doorteen Xubnaha khilaafku...

Rooble oo u Hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Maanta ay doorteen Xubnaha khilaafku ragaadiyay ee Doorashada Somaliland

0
Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey xubnaha Guddoonka Gudiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee maanta oo Sabti ah is doortay.
Ra’isul Wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dadaal iyo waqti badan galiyay sidii isfaham uu kala dhex dhigi lahaa garabyada Siyaasadda Somaliland walow ayan miro dhal noqon . Hadaba si loo hirgaliyo doorashada oo ay ugu horreysa hirgalinta doorashada aqalka sare ayuu Ra’isul Wasaaruhu kulan la qaatay xubnaha Guddigii 11-ka ee SIET Somalialnd isaga oo amray in dib la isu doorto .
Ad
Previous articleSanater dhegdheer oo Maanta soo gaaray Caasimada Galmudug ee dhuusamareeb {Sawiro}
Next articleMadaxweynaha Waqtiga ka dhamaaday ee Farmaajo oo Hay’adaha Dowladda Faray inaan Heshiisyo aan La geli karin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here