Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey RW Xamse in uu lahaa aragtidii doorashadiisii August 2019-kii 3 ii keen aan mid kala baxee, haddana guddiga doorashada ee lasoo dhisay ee DFS isla aragtidaas lagu dhisay, oo uu wali RW Xamse iska dhaafin 3 keen aan mid labaxnee.
“10 daqiiqo igu qaadan mayso in aan Ilyaas Gaboose soo afjaro, oo lagu yiri MW-naad tahay, Madaxweyne-nimada Seerar waayay miyuu heli Ilyaas, waxaan diidanahay in aan dhiig daadiyo maanta, balse haddii aysan kawaantoobiwaayan waan qaadanaynaa go’aamo qaraar, Tan cidna uga cabsan mayno, amnigeedana gorgortan kama galayno” Axmed Madoobe ayaa sidaas sheegay.
“Ani ma baqo, mana qaato Guunne iyo Laaluush aan ciidayda iyo dadkayga kugumeeyo wiilasha reer JL ee Xassan Sheikh Mustacmalka u ah iyaga waxba inagama dhaxeeyaan isma hayno dagaalna kuma qaadayno ee waxaan is haynaa waa Xassan oo dalja 1991-kii ku celinaya”ayuu yiri Axmed Madoobe.