Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqgdisho, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed rasmi ah oo dhowr qodob ka kooban.
“GWQ ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faahfaahsan oo taabanaya amniga Qaranka,” ayaa lagu yiri hordhaca bayaanka.
War-saxaafadeedkaan waxaa lagu sheegay in Goluhu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaalanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, geedi-socodka dimuqraadiyaynta, iyo xaaladda dhaqaale ee dalka.
“Goluhu waxuu bogaadinayaa sida ay Dowlada Federaalka (DF) u maaraysay goobihii ay kala wareegtay ciidamada ATMIS, taas oo caddeyneysa sida DF ay uga go’antahay gaarsiinta isku filnaansho dhinac walba ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Goluhu waxa uu soo dhaweeyay tallaabada taariikhiga ah ee Markabka dalka Turkiga ee Oruc Reis, oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeena, isagoo ku ammaanay dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ay gelisay sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka dalka.”
Sidoo kale golaha ayaa ugu baagay xubnaha ka magan shirka in mar walba diyaar loolayahay wadaxaajood iyo wadahadal lagu soo afjarayo wixii kala aragti duwanaansho ah ee jira.
Qodobada Shirka ka soo baxay waxaa kaloo kamif ah:
GWQ waxuu si qoto-dheer u falangeeyay xaaladaha aminga, siyaasadda, iyo saalada bini’aadanimo ee dalku uu marayo.
Sidoo kale GWQ, isaga oo tixraacaya heshiisyada shirarkii bishii December 2022, March 2023, iyo May 2024, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda:
- GWQ wuxuu go’aamiyay in ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyadii horay loo galay isla markaana dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo salaal ah oo ku dhisan nidaamka xisbiyada badan oo ay shacabka Somaliyeed si toos ah wakiiladooda ugu soo doortaan.
- GWQ wuxuu isku raacay in si degdeg ah baarlamaanka federaalka loo horgeeyo sharciyada doorashooyinka, xisbiyada badan iyo guddida doorashada iyo xuduudaha. GWQ wuxuu soo jeediyay iney xukuumadda JFS soo dhamestirto dhismaha Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha.
GWQ wuxuu isku raacay in Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka lyo Xuduudaha uu soo diyaariyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka geedi socodka doorashada si shuruucda dalka waafaqsan.
GWQ wuxuu isku raacay in Doorashooyinku ku gabsoomaan sida soo socota:
5.1. Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa Juun 2025.
5.2. Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda DXDF waxay dhici doontaa Sebtember
2025.
–Dhammaad