Home Wararka Maanta NISA oo Howgal Amniga Muqdisho Wax Looga BadaalyoBilowday Kadib Dilal Badan oo...

NISA oo Howgal Amniga Muqdisho Wax Looga BadaalyoBilowday Kadib Dilal Badan oo dhacay

0

Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA) ayaa howlgal nooc cusub haatan ka bilowday magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsanayo mootooyinka labada lug leh ee loo yaqaano Fekon, kana howlgasho magaalada Muqdisho.

NISA ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalkan si isku mid ah uga sameysay degmooyinka Wadajir, Hiliwaa, Yaaqshiid, Daarusalaam iyo Dayniile, waxayna kusoo qabteen dhowr mooto iyo dhalinyaradii ku shaqeysaneysay.

Sidoo kale ciidamada Nabad-sugidda ayaa hal goob isugu geeyay mootooyinkan, kadibna waxay furayaasha ka qaateen wadayaashii lahaa mootooyinkaasi.

Mooto Fekon-ta ayaa maalmahan kusoo badaneysay magaalada Muqdisho, waxaana dadweynaha ay bilaabeen inay adeegsadaan, iyaga oo ka cararaya jaamka caasimada.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan howlgalkan lagu soo qab-qabtay mootooyinka ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada dowladda qaybahooda kala duwan ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga ee ay ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Shalay oo u dambeysay waxay ciidamada Nabad-sugidda gacanta ku dhigeen nin ka tirsan Al-Shabaab oo dil u gaysan rabay mid kamid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha oo dukaankiisa ay ku xirneyd kaamirada qarsoon ee CCTV oo ay horay u amartay dowladda.

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleDil Dad badan ka Argagaxeen oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleShirkii Golaha Wadatashi Qaran oo Ugu Danbayn War Xasaasi ah laga Soo Saaray