Doorasho qof iyo cod ah oo muddo kordhin hal sano ah la socoto.
Sida aan xog ku helay murtiyeedka hordhaca ah ee caawa soo bixi doono.
Waxaa la muddeeyay in doorashada Golaha deegaanka lagu qabto 30 July 2025.
Doorashada Madaxda dowlad goboleedyada waxaa la muddeeyay in la qabto 1 November 2025.
Waxaa intaas wehlisa in aan la muddeyn tan Federaalka oo Madaxweynuhu dalbaday in dib loogu dhigo, maadaama aanu muran ka taagneyn muddo xileedkiisa illaa 2026.
Sidoo kale waxaa la isla gartay in tan Federaalka waqtigeeda lagu qabto May 2026, balse guddiga doorashada uu leeyahay waqtiyeynta rasmiga ah.
Kulanka caawa ee cashada uu Madaxweynuhu u sameeyay Xildhibaannada waxaa sidoo kale lagu martiqaaday Madaxda dowlad goboleedyada.
Ad