Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobalka Mudug ee Puntland, Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jaamac (Koomaad) ayaa ka hadlay guud ahaan xaalada Ammaan ee Gobolka Mudug iyo shaqaqooyin dhawaan ka dhacay meeo kamid ah gobolkaas.
Waxa uu sheegay taliyaha in Shaqaaqooyinkii dhacay oo la xiriiray aanooyin qabiil ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan balse hadda xaaladda ay tahay mid degan.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobalka Mudug ee Puntland in shaqaaqooyinka ay ka dhasheen barkado la sameeyay balse go’aano amni ay soo saareen kadib ay Aaseen barkadahaas dartood laysku dagaalay .
Ugu dambeyn taliyaha waxaa uu sheegay in ay go’amiyeen in Barkado dambe aan laga dhisi Karin goobaha lagu dagaalamay, sidoo kale ay qaadi doonaan tallaabooyin looga hortagayo inay dilal kale dhacaan.
Colaad beeleedyada ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ay kusoo laab laabteen degaannada Gobolka Mudug, iyada oo Maamulada Galmudug & Puntland ay sheegeen inay ka hortagayaan.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay