Xildhibaan Yuunis Maxamed oo ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug waxuu ku wareejiyay Gaadiidka Gurmadka Deg Deg ah oo Loogu Talagalay hawlgalka lagula dirirayo Alshabaab ee ka soconaya Gobalka Mudug.
gaadiidka Ambulence waxaa Gudoomiyay Masuuliyiin ma Tirsan Galmudug iyo Sanater Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid, waxaana Loogu talagalay in la geeyo Furimaha Dagaalka.
Galmudug gaar ahaan Gobalka Mudug waxaa ka soconaya Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Alshabaab iyo Ciidamada Galmudug oo kaashanaya Kuwa DFS.
Hasayeeshee Xildhibaan Yoonis Shaarre wuxuu mudan yahay ku dayasho sida uu difaaca dalka uga hormarsiiyey danta gaar ahaaneed uguna deeqay gaarigiisii in loo isticmaalo hawlaha caafimaadka hawlgalka lagula dagaalamayo Alshabaab