Home Wararka Maanta Ra’isul wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Xalay Shir xasaasi ah...

Ra’isul wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Xalay Shir xasaasi ah yeeshay

0

Ra’iisul Wasaaraha Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo xalay wada hadalo khadka zoomka yeeshay ayaa ka hadlay dardar gelinta doorashooyinka, arrinta Somaliland, Hirgelinta soo jeedinta Guddiga dib u heshiisiinta Gedo iyo xalinta caqabadaha weli ka jira doorashada.

Ilo ku dhow dhow Shirka ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay aad ugu kala aragti duwan yihiin arrinta Somaliland, sida muuqatay ay Madaxda Dowlad Goboleedyada xiriiro lakala leeyihiin labada garab ee Siyaasiyiinta Somaliland kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Dhawaan ayaa La filayaa in Doorashada Xubnaha aqalka sare ay si rasmi ah uga Bilaabato Deegaanada Maamul Gobaleedyada waxaana Noqonaya Maamulka ugu Horeeya ee qabta Shirkaas Maamulka Jubbaland

Ad
Previous articleHabraaca Loo Marayo Xalinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka sare oo La shaaciyay
Next articleWasaarada Amniga Galmudug oo Lagu Wareejiyay Gaadiidka Gurmadka Deg Deg ah (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here