Home Wararka Maanta Kulan Loogu duceynayay Dadkii Lagu laayay Qaraxii Aqalka Dowladda Hoose oo Maanta...

Kulan Loogu duceynayay Dadkii Lagu laayay Qaraxii Aqalka Dowladda Hoose oo Maanta Kulan Duca ah loo sameeyay (Sawiro)

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo mas’uuliyiin kale ayaa xarunta Mu’asasada Macalin Nuur ee Degmada Hodan ee Muqdisho kaga qeybgalay xus iyo duco loo sameeyay Shuhadadii ku shahiiday musiibadii ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar 24 July 2019.

Dadkii Qaraxaas ku Nafwaayay Waxaa ka mid ahaa Allaha u Naxriistee  Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho AUN Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) La-Taliyeyaal Sare, Guddoomiyeyaal Degmo iyo Agaasimeyaal , iyadoo maalinta bari oo ku beegan 24 July Xarunta Aqalka Dowlada Hoose lagu qaban doonno Duco loo sameyn doonno Shuhadadaasi.

Duqa Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo culamadii ka qeyb-gashay Xuska iyo Ducada maanta lagu qabtay Mu’asasada Macalin Nuur ayaa halkaasi ugu Duceeyay Shuhadada.

Ad