Home Wararka Maanta Cali Guudlaawe oo Shaqada ka Cayriyay Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cabdillaahi Sufurow...

Cali Guudlaawe oo Shaqada ka Cayriyay Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cabdillaahi Sufurow oo dhawaan baladwayne Dagaal looga Qabsaday

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilka gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ka qaaday Cabdillaahi Maalin Sufurow oo xilkaas hayay tan iyo bishii Juun ee sanad kii hore 2023, markaas oo uu badalay Cali Jeyte Cismaan.

Sufurow ayaa muddaba la tacaalayay mucaaradad xoog leh oo kaga imaanaysay qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka, oo uu kamid yahay Cali Jeyte oo diiday in uu xilka ku wareejiyo markii la soo magacaabay.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Beledweyne laga saaray maamulkii taageersanaa Hirshabeelle, kaddib markii uu dagaal culus la galay maamulka kale ee la baxay Hiiraan State.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Hiiraan, waxana lagu magacaabaa Muuse Salaad Weheliye.

Lama garanayo sida gudoomiyaha cusub uga shaqeyn karo magaala madaxda Beledweyne, maadaama ay gacanta ku hayaan maamulka didan Hirshabeelle ee Hiiraan State.

Khilaafka ka taagan Gobolka Hiiraan ayaa muddaba soo taagnaa, waxana waxgaradka deegaanku saluug san yihiin habka awood qaybsiga ee maamulka Hirshabeelle.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleNin loo jaray warqaddii lagu soo xiri lahaa oo loo tagay isagoo mayd ah
Next articleDagaal Culus oo kasocda Duleedka Ceel lahelay ee Gobalka Galgaduud