Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo kasocda Duleedka Ceel lahelay ee Gobalka Galgaduud

Dagaal Culus oo kasocda Duleedka Ceel lahelay ee Gobalka Galgaduud

0

Dagaal qaraar ayaa Saakay la xaqiijiyay inuu Kasocdo Meel ku Dhow Ceel lahelay ee Gobalka Galgaduud.

Inta La Xaqiijiyay Waxaa Dhimatay Saddex Ruux Halka ay Shan Kale Dhaawacmeen Kaddib Markii Saakay Uu Dagaal Ka Dhacay Deegaan Lugu Magacaabo kax-dhuumoodleey oo Hoostaga Deegaanka Ceel-lahelay Ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan oo u Dhaxeeya Beelo Walaalo ah oo Kasoo Kala Jeeda Deegaannada Gal-qoryaale iyo Ceel-lahelay Ayaa Salka Ku Haya Aanooyin Qabiil oo Muddo Ka Taagnaa Halkaas.

Labada Belood ee Dagaalamaaya ayaa kala Ah Beelaha Duduble iyo Beeshay Cayr oo Dhawaanba Dad iska laynayayay.

Majirto Ilaa Hada Cid ku baxday Dagaalkaan oo Goordhow Qarxay Dowlada Goboleedka Galmudug ayaana Wali wax war ah Kasoo Saarin Dagaalkaan.

Ad
Previous articleCali Guudlaawe oo Shaqada ka Cayriyay Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cabdillaahi Sufurow oo dhawaan baladwayne Dagaal looga Qabsaday
Next articleFarmaajo oo kuwajahan Magaalada Laasacaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here