Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay in xaalad hubanti la’aan ah ay la kulmayaan dadka reer Qasa iyada oo ay cunto la’aan heer sare ah oo soo wajahday dadka.
“Sida ay sheegayaan warbixinada ka imaanaya Qasa ee ah kuwa caalamiga ah, boqol kiiba boqol ah ayay dadka reer Qasa la halgamayaan cunto la’aan daran”, ayuu Blinken ka sheegay shir saxaafadeed uu ku qabtay dalka Philippines, halkaas oo booqasho ku joogo.
Blinken ayaa hadalkiisaan ku soo beegaya maalin ka hor booqashada uu ku tagi doono Bariga Dhexe, kulankaan ayay ku jiri doonaan wadamada soo xaadiraya Sacuudi Carabiya iyo Masar, si uu ugala hadlo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin iyo kordhinta gelitaanka gargaarka bini’aadannimo ee Marinka Qasa.
Qiimayn ay sameeyeen haya’addaha gargaarka oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in haqab beelka cunada ay lagama maarmaan u tahay dadka Qasa oo ay digniinuhu gaarsiisan yihiin ‘Masiibo’ soo food saartay kala bar dadka oo u dhow xaalad macaluul ah.
Maxaa ka cusub doorkan booqashada Blinken?
Blinken wuxuu sheegay in waxa ay ka wada hadli doonaan Maraykanka iyo Sacuudiga iyo Masar uu noqon doonto mustaqbalka Gaza ee dagaalka ka dib.
Tani maaha booqashadii ugu horeysay ee bariga dhexe uu ku marayo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka tan iyo markii uu qarxay dagaalka Qasa bilowgii bishii Octoober ee sanadkii tagay.
Xukuumadda Washington ayaa horay u sheegtay inay Israa’iil ka taageerayso jawaabta ay ka bixinayso weerarka Xamaas, kaasoo sababay dhimashada 1,200 oo qof iyo afduubka 200 oo qof oo lagu haysto Qasa, sida ay sheegeen ciidamada Israa’iil.
Israa’iil ayaa dishay in ka badan 31,000 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan carruur iyo haween, tan iyo markii ay billowday jawaabta ay ka bixinayso weerarka sida ay sheegtay Xamaas.
Dadka ku nool Marinka Qasa ayaa la il daran Biyo la’aan, Koronto la’aan iyo Cunto la’aan, gaar ahaan Waqooyiga Marinka Qasa, kuwaasi oo dadka ku nool ay la ildaran yihiin Macaluul ka dhalatay la’aanta Cunnada Gargaarka ah.
Xilli sii horaysay, hogaamiyaha Xamaas, Osama Xamdaan ayaa BBC-da u sheegay in dalabaadka xarakadu ay cad yihiin.
“Marka hore jooji gardarrada, tani waxay la macno tahay in la joojiyo howlgallada militari iyo in laga saaro guud ahaan dhulkii ay soo galeen intii ay howlgallada socdeen miltariga Israa’iil, iyo in sidoo kale la qaado go’doominta iyo keenista gargaar degdeg ah, iyo in la bilaabo barnaamij balaaran oo dib loogu dhisayo burburka ku dhacay Qasa”.