Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa maanta dhoolatus cajiib ah oo ay ka qayb-galeen waddamo badan kusoo bandhigay dalka Kenya.
Intaii uu socday dhoolatuska ayaa ciidamada Soomaaliya waxa ay wacdaro ka dhigeen goobta, sida ay muujinayaan muuqaalo iyo sawirro ay heshay warbaahinta.
Diyaarinta ciidamadan ayaa waxaa si gaar ah isugu howlay taliyaha guutada 16-aad kuumaandooska Danab Gaashaanle Caydaruus Maxamed Xuseen oo kaashanaya taliye xigeenkiisa Gaashaanle Maxamed Sheekh Axmed iyo saraakiisha kale ee ciidanka Danab.
Sidoo kale waxaa dhoolatuskan ka qayb-galay ciidamo ka socday dalalka gobolka sida Kenya ,Tanzania iyo Uganda.
Waa markii markii ugu horreysay burburka kadib oo Soomaaliya dalka dibaddiisa uga qayb-gashay dhoolatus ciidan oo weyn, sida uu horay u shaaciyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo la dardaaramaya ciidamada Danab.
Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka.