Home Wararka Maanta Kumaandooska Danab oo maanta dhoolatus layaab leh kusoo Bandhihay Kenya(Sawiro)

Kumaandooska Danab oo maanta dhoolatus layaab leh kusoo Bandhihay Kenya(Sawiro)

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa maanta dhoolatus cajiib ah oo ay ka qayb-galeen waddamo badan kusoo bandhigay dalka Kenya.

Intaii uu socday dhoolatuska ayaa ciidamada Soomaaliya waxa ay wacdaro ka dhigeen goobta, sida ay muujinayaan muuqaalo iyo sawirro ay heshay warbaahinta.

Diyaarinta ciidamadan ayaa waxaa si gaar ah isugu howlay taliyaha guutada 16-aad kuumaandooska Danab Gaashaanle Caydaruus Maxamed Xuseen oo kaashanaya taliye xigeenkiisa Gaashaanle Maxamed Sheekh Axmed iyo saraakiisha kale ee ciidanka Danab.

Sidoo kale waxaa dhoolatuskan ka qayb-galay ciidamo ka socday dalalka gobolka sida Kenya ,Tanzania iyo Uganda.

Bandhiga ay sameeyeen ciidamada Xoogga dalka ayaa muujinaya isbeddellada malatari ee ay haatan ku tallaabsaneyso Soomaaliya oo hadda kasoo kabaneyso burbur xoogan, waxaana hoggaanka u haya dhalinyaro sanadihii dambe loo soo tababaray Soomaaliya.

Waa markii markii ugu horreysay burburka kadib oo Soomaaliya dalka dibaddiisa uga qayb-gashay dhoolatus ciidan oo weyn, sida uu horay u shaaciyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo la dardaaramaya ciidamada Danab.

“Waa markii ugu horreysay ee aan ka qayb-galeyno carbis milatari oo ka dhacaya dalka dibbaddiisa, waxaad ogtihiin mar haddii aysan horay u jirin waqtiyadan ay dhisneyd dowladdu ama ciidamadanka ay ku jireen dib u dhiska waxa nalagala filan karo inaan isku sheegno ayana rabnaa” ayuu horay y yiri taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka.

Ad
Previous articleSomaliland oo maanta xukun adag ku ridday afar nin oo gaalo ah
Next articleSaldhigyo Waawayn oo Alshabaab lahaayeen Duqaymo lala Beegsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here