Home Wararka Maanta Alshabaab oo laga Xayiray 7 Milyan oo Doolar oo ay ka Aruursadeen...

Alshabaab oo laga Xayiray 7 Milyan oo Doolar oo ay ka Aruursadeen Ganacsatada Soomaaliyeed

0

War-saxafadeed kasoo baxay dowladda Fedderaalka Soomaaliya oo aanay hay’ad gaar ahna ku saxiixneyn ayaa lagu sheegay inay dowladda ku guuleysatay xayiraadda lacag gaaraysa 7 million dollar, 670 taleefan lambaro iyo 110 akoon oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in iyadoo la dhaqan gelinayo Sharciga ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, ay tallaabadan qaaday dowladda federaalka, iyadoo 110-ka akoon ee la xiray ay yihiin kuwa Ganacsi (Merchant Accounts) oo Al-Shabaab u adeegsan jirtay handadaadda, uruurinta iyo keydinta lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii wado dagaalka curyaaminta Maaliyadeed ee ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna uga mahadcelinaysaaa ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed sida joogtada ay ula shaqeeyaan dowladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda.

Qoraalka waxaa loogu digay ganacsatada iyo bulshada inaysan ogolaanin in ay bixiyaan lacagaha baadda ah oo Khawaarijtu ay u adeegsadaan in ay ku dhibaateeyaan umadda Soomaaliyeed.

Qoraalka laguma shaacin hay’adaha maaliyadeed, oo ay akoonadan uga furnaayeen kooxda Al-Shabaab iyo haddii ay jirto wax tallaabo ah oo ay dowladda ka qaadeyso hay’adahaas.

Inkasta oo tallaabadan ay muhiim u tahay dagaalka maaliyadeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab, haddana lacagtan ayaa ah wax aad u yar marka la eego dakhliga kooxda soo gala sanadkii oo sirdoonka Mareykanka ay ku qiyaasaan illaa 180 milyan oo dollar.  

Ad
Previous articleMaxaad ka taqaan diyaaradda Bayraktar TB2 ee ay Soomaaliya soo iibsanayso?
Next articleHowlgal Culus oo Dib uga Bilowday Koonfurta Gobalka Mudug