Home Wararka Maanta Maxaad ka taqaan diyaaradda Bayraktar TB2 ee ay Soomaaliya soo iibsanayso?

Maxaad ka taqaan diyaaradda Bayraktar TB2 ee ay Soomaaliya soo iibsanayso?

0

Wixii ka dambeeyay heshiiskii difaaca ee ay Soomaaliya iyo Turkigu galeen; waxaa baraha bulshada Soomaalida Qabsaday in Soomaaliya ay soo iibsan doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga noocooda Bayraktar TB2.

Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado heerkoodu sareeyo ka taya wanaagsan kuwa laga soo saaro dalal badan.

Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.

Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay hadda ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

Bishii May dalka Poland oo xubin ka ah gaashanbuurta NATO, ayaa heshii ay ku iibsanayaan 24 diyaaradood la galay Turkiga.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in wasiirka gaashaandhigga Poland uu u sheegay idaacadda lagu magacaabo Radio 2 ee dalkiisa in diyaaraduhan ay muujiyeen “kartidooda dagaalka.”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Sacuudiga ay sidoo kale muujiyeen inay danaynayaan inay iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.

Waxtarka Bayraktar TB2 marka goobaha dagaalka la joogo

Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada.

Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah.

Diyaaradahaan waxay qaadi karaan 4 gantaal oo waaweyn.

Waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaareen dagaalkii ay la galeen iyo Armenia.

Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaallada Suuriya

Ad
Previous articleAxmed Mayre Makaraan oo Sideed Sano Kadib Xilka Laga Qaaday
Next articleAlshabaab oo laga Xayiray 7 Milyan oo Doolar oo ay ka Aruursadeen Ganacsatada Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here