Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xalay Al-Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare xoogan.
Weerarka oo ka dhacay degmada Dayniile ayaa waxaa lagu qaaday guri uu waaxda Buurdheere ka daganaa nabadoon lagu magacaanitay Cabdi Xasan, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka.
Wararka ayaa intaasi ku daray in xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay fuliyeen weerarka, kuwaas oo gudaha u galay guriga marxuumka, kadibna si arxan daran u dilay.
Marxuum Nabadoon Cabdi Xasan ayaa lala dhacay rasaas tiro badan, taas oo ka muuqatay jirkiisa, kadib weerarka, waxaana lala dilay askar waardiye u ahaa.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay gacanta kusoo dhigeen laba kamid ah Shabaabkii weerarka geystay oo nool iyo mid kale oo mayd ah, sida uu hadalka u dhigay.
Ma jiro wax war ah oo kas oo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi, mana sababta ay u beegsadeen nabadoonka oo ay gurigiisa ugu tageen xubno aad u hubeysan.
Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay daganayd xaaladda ammaan ee Muqdisho, kadib qorshe cusub oo ay la yimaadeen hayâadaha ammaanka ee dowladda.
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay