Home Wararka Maanta Farmaajo oo gurigiisa Ku Booqday shiikh Shariif Xili Mucaaradku leeyihiin Shir ka...

Farmaajo oo gurigiisa Ku Booqday shiikh Shariif Xili Mucaaradku leeyihiin Shir ka Dhan ah Xasan Shiikh

0

Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii 7aad Shariif Sheekh Axmed, kulankan oo ah kii u horreeyay oo dalka gudihiisa ku yeeshaan kaddib heshiiskii Ankara September 2023 oo hordhac u ahaa isbaheysi siyaasadeed oo ay sameystaan.

Labada Madaxweyne hore ayaa ka wada hadlay arrimaha siyaasadda ee dalka, gaar ahaan arrimaha wax ka bedelka Dastuurka oo dooddiisu ka socoto Baarlamaanka Federaalk, waxayna soo jeediyeen in wadatashi ballaaran laga yeesho arrimaha Dastuurka.

Ad