Home Wararka Maanta Ciidmada Amaanka Galmudug oo Xabsiga Dhigay Lamaane aroos ahaa Xili Gurigooda Loo...

Ciidmada Amaanka Galmudug oo Xabsiga Dhigay Lamaane aroos ahaa Xili Gurigooda Loo Galbinaayay

0

Ciidamada Booliiska Degmada Balambale ayaa caawa xabsiga u taxaabey lammaane cusub, kuwaa oo lagu galbinayey arooskooda gaadiid ka badan 3-gaari.

Taliska Booliiska Galmudug ayaa sheegay in lammaanahan ay jabiyeen sharci lagu soo dhaqmayey mudo ka badan afar sannadood.

Meelaha Qaara Galmudug ayaa Dadka is Aroosaaya Lagu amray inaysan Arooskooda ku Galbin karin in Kabadan Sadex Gaari Haday ka Bataana La Xiri Doono Sida lamanahaan.

Taliska policeka degmada Balanballe ayaa caawa xiray Aroos caawa lagu galbiyay gadiid fara badan kaas oo jabiyay sharciga u dagsan aroosyada ka dhaca degmada Balanballe.

Policeka ayaa isugu geeyey saldhiga gaadiidkii galbinayay arooska oo gaarayay 8 gaari waxaana wada hadal dheer ka dib waxaa ka isku afgartay la sii daayo maadama arooska laga keenay cabudwaaq oo uusan ka jirin xeerka u degsan reer Balanballe.
Booliska oo ka duulayaayo ilaalinta sharciga ey Bulshada Degmada ku heshiiyeen Ayaa Soo qabtay
Lamahan arooska ahay maadama ey jabiyeen

sharcigii lagu heshiiyay In ka badan 4 sano waxaa sharci ka ah degmada Balanballe in aan aroosyada lagu galbin karin wax ka badan 3 gaari taas oo dhaqan gashay.

Ad
Previous articleFarmaajo oo gurigiisa Ku Booqday shiikh Shariif Xili Mucaaradku leeyihiin Shir ka Dhan ah Xasan Shiikh
Next articleCiidamada Turkiga Oo Durbaba Dhaqdhaqaaq ka Dhan ah Itoobiya ka bilaabay Xeebaha Soomaaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here