Home Wararka Maanta Dilkii Ganacsade Abuukar Gaabax oo Saraakiil Sarsare ku Lug Yeesheen iyo Camera...

Dilkii Ganacsade Abuukar Gaabax oo Saraakiil Sarsare ku Lug Yeesheen iyo Camera Duubtay

0

Dilkii shan cisho ka hor Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistii Ganacsade Abuukar Gaabax oo Habeenimadii Khamiistii oo taariikhdu ku beegneyd 22 Bishan Febraayo laga afduubtay degmada Huriwaa ayaa waxaa soo baxaya dilkiisa inay ku lug lahaayeen Saraakiil ciidan.

Xogaha hordhaca ah ayaa sheegaya in Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Huriwaa uu u xiran yahay falkaan oo lagu tuhmayo inuu ku lug leeyahay oo uu soo maleegay naftiisa shirqoolka, maadaama caddeymaha ay bixiyeen eedeysanayaal kale oo gacanta hey’adaha amniga ku jiro oo tuhunka afduubka iyo dilka qeyb ka ahaa.

Qoyska marxuumka ayaa go’aansaday in hey’daha amniga iyo garsoorka uga dambeeyaan inta baaritaanka uu socdo iyo sidoo kale horgeynta eedeysanyaasha maxkamadaha dalka, si sharciga loo marsiiyo oo aysan baraha bulshada iyo warbaahinta aysan ku jah-wareerin afduubka iyo dilka arxan darrada ah ee wiilkooda lagula kacay.

Arrinta layaabka leh ee caddeymaha marag-muujinta ee la helay ayaa ah in Camerooyin CCTV ee ay leeyihiin hey’addaha amniga oo laga arkay dhaq dhaqaaqii kooxdii afduubka geysatay oo isticmaalayay gaariga marxuumka iyo gaariga kooxda shirqoolka soo maleegtay oo isaga kala gooshay illaa shan degmo oo ugu dambeyn halkii laga helay meydka Marxuumka oo ahaa deegaanka Garasbaaley.

Waxaa kaloo falkan uu bannaan keenay in shirqoolkan ka soo bilowday dad ay ganacsi wadaag ahaayeen Marxuumka oo ka shaqeynsayay Cryptocurrencies, ujeedkuna ahaa in lacago ku jiray Bangiga akoonkiisa in laga dhaco, balse markii ay suura geli weyday ay go’aansadeen kooxdii falka ka dambeysay in marxuumka nolosha dhaafiyaan, maadaama la is-weji yaqaan.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Ubax Yaasiin Cali Aar oo lagu Dilay Garowe
Next articleAlshabaab oo laga Cabsi Qabo inay La wareegaan Degmadaan oo Ay ka abaxayaan Ciidamada ATMIS