Ciiddanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ee ka howlgala degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Dhaxe ayaa fashiliyay qarax miino oo la doonayay in lagu dilo taliyaha daraawiishta degmadaasi Mahad Maxamed Islam.
Ciiddanka oo helay xogta qaraxa ayaa fashiliyey labo miino, kuwaas oo ah nooca dhajiska loo yaqaan ee baabuurta lagu xiro, waxaana qaraxyadan la doonayay in nolosha lagu dhaafiyo taliyaha iyo ciiddanka la socday.
Ciiddanka daraawiishta Jubbaland ayaa wada howlgallo lagu baarayo dadkii ka dambeeyay qaraxyadan miino ee maanta ciidamada fashiliyeen, mana jiro saraakiisha ciiddanka xogo dheeraad ah oo ay ka bixiyeen qaraxyada iyo dad loo soo qabtay.
Gaashanle dhexe Mahad Maxamed Islam taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Afmadow ee qaraxa laga bad baadiyay ayaa abaal marin lacageed oo dhan $5000 oo doollar guddoonsiiyay askarigii geesiga ahaa ee soo gudbiyay xogta miinooyinkan la fashiliyay.