Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Shir ay ka qeyb galayaan 100 Hoggaamiye oo ka...

Wararkii ugu Danbeeyey Shir ay ka qeyb galayaan 100 Hoggaamiye oo ka Dhacaaya….

0

Shirweynaha 6-aad ee ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha degaanka ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

In ka badan 100 hoggaamiyeyaasha caalamka ah ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shirkaasi, iyadoo lagu wado inuu madaxdaasi ka mid noqdo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu shirkaasi khudbad ka jeediyo, Isbeddelka cimilada iyo saameynta aafooyinka wata ee uu leeyahay iyo in si wadajir ah xal loogu helo ayaa ah ajendaha ugu weyn shirka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada dadaalka xooggan ugu jira in xal loo helo isbeddelka cimilada oo dhibaatooyinka uu dhowaan ka geystay dalka ay ka mid yihiin roobabkii fatahaadaha watey ee El Nino oo qeybo badan khasaare isugu jira dhimasho , burbur hanti iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ay ka geysteen.

Ad
Previous articleNISA oo Xabsiga Dhigtay Dad lagu eedeeyey Dilkii Dahable oo Dhawaan Maydkiisa La helay
Next articleAskartii Badbaadisay Raliye Mahad oo Abaal marin lacageed lasiiyay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here