Home Wararka Maanta Farmaajo ”Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah Waan ka Waynay”

Farmaajo ”Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah Waan ka Waynay”

0

Kaddib wada hadallo dhinaca telefoonka ah oo aanu si gooni gooni ah ula yeelannay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaanu ku guuleysannay in labada dhinac naga aqbalaan in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka siyaasiga ah ee jira, la isuguna yimaado gogol.

Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay, uuna mar kale ku dhaqaaqay jabinta qodobkii shardiga u ahaa in wada hadalladu ay bilowdaan.

Dalkeennu wuxuu haatan taagan yahay isgooys adag oo ay khatar ku jirto midnimadeenna dhuleed iyo madaxbannaanideena, waddada kaliya ee looga gudbi karana uu yahay in lagu wajaho wadatashi, isqancin iyo isu tanaasul. Waxaa noo muuqanaya in Madaxweynaha uu oo ka leexday wixii lagu ballamay, taasno keeni karto inuu dalka galo xalad kala qeybsanaan iyo khilaaf horleh.

Waxaan si wadajir ah ugu mahadcelinaynaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni soo dhaweynta iyo ajiibista gogosha dhexdhexaadinta, waxaana cid walba oo daneysa arrimaha siyaasadda Soomaaliya u caddeynaynaa in wixii kala fogaansho iyo kala tag ah uu masuuliyaddeeda qaadayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa ku saxiixan warsaxaafadeedkan;

1. Mudane Shariif Sheekh Axmed
2. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

13ka Febraayo, 2024

Ad
Previous articleSomaliland oo hanjabaad nooceedu cusub yahay u dirtay Muqdisho
Next articleWaxa laga yaqaan askarigii fuliyay weerarka xerada Jenaraal Gordon ee lagu laayay saraakiisha Imaaraatka