Home Wararka Maanta Somaliland oo hanjabaad nooceedu cusub yahay u dirtay Muqdisho

Somaliland oo hanjabaad nooceedu cusub yahay u dirtay Muqdisho

0

Jamhuuriyadda Iskeed madax banaanideeda ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya hanjabaad nooceedu cusub yahay oo la xiriirta hawada.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland Cumar-sayid Cabdulaahi Aadan ayaa ku eedeeyay Muqdisho inay ku xadgudub tahay heshiisyada labada dhinac ee maamulka hawada, isaga oo sheegay inay siyaasadeeyeen maamulka hawada.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay dacwad u gudbisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee duulimaadyada caalamiga ah. Waxa uu intaa ku daray inay tilaabo ka qaadi doonaan xadgudubyo ay sheegeen in dowladda federaalka ay ku hor istaagay duulimaadyo ku socda Hargeysa.

Waxa uu Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland intaa ku daray in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay ku tagrifasho dakhli ka badan lixdan milyan oo doolar oo sanad walba kasoo gasha maamulka hawada. Waxa uu sheegay in afartan boqolkiiba ay ahayd inay lacagtaas hesho Somaliland.

Waxa Somaliland ku hanjabtay in dowladda federaalka Somaaliya ay qaadi doonto wixii ka dhasha talaabooyin uu sheegay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland inay u qaadi doonaan ka falcelinta ficilo la xiriira maamulka hawada ee ay Muqdisho horey u sameysay.

Ad
Previous articleDeni iyo Xasan Sheekh oo Markale Khilaaf Culus ka Dhex Qarxay
Next articleFarmaajo ”Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah Waan ka Waynay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here