Qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta saxiixay mooshin culus oo ay uga jawaabayaan dhibaatadii loo gaystay ciyaariyahannada maamulkaas oo shalay lagu weeraray Muqdisho.
Jiley ayaa sheegay inay doonayaan in qof xilka looga qaado dhibaatada loo gaystay ciyaartoyda, maadaama buu yiri la dayacay amnigooda.
“Falkaas dhacay oo la gabay amnigii la rabay in la ilaaliyo waa inoo qof u baxaa mooshin ayaan hadda gudbinay oo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha saacadaha soo socda ayaa gaarsiineynaa guddoonka wuu qoran yahay mooshinka” ayuu mar kale yiri.
“Saas oo kale kuwa amniga qaabilsan iyagana mooshinka ayaan marsiineynaa wasaaradda amniga ayayna hoos yimaadaan” ayuu kusii daray xildhibaanku.
Xildhibaanka ayaa intaasi kusii daray “Waxaan si aad iyo aad ah u cambaareynayaa falkii wuxuushninada ahaa ee ka dhacay shalay ciyaaraha run ahaantii arrin qurux badan ma ahan” .
Weerarkan lagu beegsaday xulka Koonfur Galbeed ayaa dhaliyay caro xoogan iyo in maamulkooda uu ku dhowaaqo inuu isaga baxeen tartanka maamul goboleedyada