Home Wararka Somaliya Puntland Ciidamo kasoo Horjeeda Doorashadii Deni oo Lawareegay Qaybo ka Mid ah Garowe

Ciidamo kasoo Horjeeda Doorashadii Deni oo Lawareegay Qaybo ka Mid ah Garowe

0

Ciidamada Danab ee Puntland oo kasoo horjeeda dib u doorashada madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa caawa la wareegay koontaroolka koofureed ee magaalada Garowe laga soo galo.

Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada la wareegay controlka oo Kornayl Jimcaale Takar uu ka mid yahay ayaa horay uga soo hor jeestay doorashadii Garowe ka dhacay 8-dii bishan Janaayo.

Ciidamadaan oo ka soo horjeeda in magaalada Garowe lagu qabto caleemo saarka madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa caawa shaaciyey inay qabsadeen koontoolkii ugu muhiimsanaa ee laga soo gelayey magaalada.

Lama oga ilaa hadda talaabadan ay ciidanada gadoodsan qaadeen inay wax ka ogyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee looga adkaaday doorashadii madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale dowlad goboleedka ilaa hadda kama aysan hadal talaabadan ay qaadeen ciidamadan gadoodsan ee Danab-ta ka howlgasha Puntland.

Xaaladda aagga koontrolkaasi uu ku yaalo ayaa caawa cabsi ah, waxaana laga baqayaa in Puntland ay adeegsato awood ciidan, si maamulka Controlka ay u soo ceshato.

Dhankooda Isimada dhaqanka Puntland oo inta badan xaliya xiisadahaan oo kale ayaan weli ku soo bixin arrintaan ka soo cusboonaatay Garowe oo ah caasimadda Puntland.

Dhawaan waxaa lagu wadaa in magaaladaas lagu qabto caleemo saarka madaxweynaha Puntland oo 8-dii bishaan dib loo doortay, Deni ayaa tartankii doorashada uga adkaaday 10 musharax oo kale.

Musharaxiintii laga guuleystay qaar oo Xasan Shire Abgaal uu ku jiro ayaa muujiyey in aysan ku qanacsaneyn hanaankii loo maamulay doorashada, waxayna aaminsan yihiin in Saciid Deni uu siduu rabay u maamushay doorashada.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Xildhibaano gudbiyay mooshin culus
Next articleKooxda Kubadda Cagta Koonfur Galbeed oo saaka dib ugu laabanaysa Baydhabo kaddib markii…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here