Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ka soo saartay damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, kaas oo gilgilay Geeska Afrika.
Bayaanka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in loo hoggaansamo mabaadi’da deris-wanaagga, lagana fogaado wax kasta oo xiisadda iyo colaadaha gobolka sii kordhinaya.
Sacuudiga ayaa dalbaday in laga wada shaqeeyo nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka, taas oo muhiim u ah horumarinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka gobolka.
Shirkaan oo ka dhici doona 18-ka bishaan dalka Udanda ayaa looga jawaabayaa baaqii Soomaaliya ee ahaa in wadamada IGAD kulan ay ka yeeshaan damaca Itoobiya.
Dowladda Jabuuti ayaa u muuqata inay door firfircoon ka qaadaneyso sidii loo dejin lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo xubno muhiima ka ah ururkaan IGAD.
Dowladda Soomaaliya ayaa diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya, waxayna dalalka ugu muhiimsan caalamka uga digeen Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso.