Home Wararka Somaliya Puntland Siciid Deni oo Durbaba Dagaal ku bilaabay Dowlada Federaalka Warsaxaafadeedna Soo saaray

Siciid Deni oo Durbaba Dagaal ku bilaabay Dowlada Federaalka Warsaxaafadeedna Soo saaray

0

Madaxtooyada Puntland ayaa qoraal kasoo saartay shir dhex-maray madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa, guddoomiyaha baarlamanka iyo madax horey xilal uga soo qabtay Puntland iyo dowladda federaalka.

Qoraalka ayaa waxaa ka muuqda in Saciid Deni uu diyaar u yahay inuu sii wado dagaalkii iyo khilaafkii kala dhaxeeyey dowladda federaalka kadib markii dib loo doortay 8-dii Janaayo.

Qoraalka oo laba qodob ka koobnaa ayaa mid ka mid ah ah lagu yiri “Shirku wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in arrimaha masiiriga ah ee Federaaleynta iyo dhammeystirka Dastuurka Federaalka Soomaaliya laga wada hadlo, lana hakiyo tillaabooyinka socda inta laysaga imaanayo.”

Arrinta yaabka leh ayaa ah; in Deni iyo madaxdii hore ee Puntland uu weli u muuqdo khilaafka Puntland kala dhaxeeya dowladda federaalka, balse aysan wax eray ah ka dhihin arrinta maanta ugu muhiimsan Soomaaliya ee ah damaca ay Itoobiya ku dooneyso inay ku boobto qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Shir wadatashi oo ay Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Said, Raysul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad.

Shirka waxaa lagu lafa guray xaaladda amni iyo siyaasaddeed ee guud ahaan Dalka Soomaaliya, gaar ahaanna Puntland, waxaana ka soo baxay.

1. Shirku wuxuu ugu baaqayaa qaybaha bulshada Reer Puntland in ay adkeeyaan, kana wada shaqeeyaan midnimada, nabadda iyo dowladnimada Puntland.

2. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in arrimaha masiiriga ah ee Federaaleynta iyo dhammeystirka Dastuurka Federaalka Soomaaliya laga wada hadlo, lana hakiyo tillaabooyinka socda inta laysaga imaanayo.

Ad
Previous articleUrur Goboleedka IGAD ayaa shir aan caadi aheyn ka yeelanaya Xiisada udhaxeysa Soomaaliya iyo Ethiopia
Next articleSacuudiga oo war culus ka soo saaray damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya lana Saftay…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here