Khilaaf culus ayaa ka dhex qarxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kadib markii uu is hortaagay qorshe ay wadatay dowladda dhexe oo ku saabsan dagaalka Al-Shabaab.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu hor istaagay qorshahaas, isagoo si cad u diiday in dowladda federaalka ay ciidan cusub geyso gobollada uu xukumo, taas oo ka dhigan inuu hor istaagay dagaalka Al-Shabaab.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa sababta uu u diidan yahay ciidankaan iyo in la bilaabo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab waxaa lagu sheegay cabsi uu ka qabo in deegaanada maamulkiisa ay awood badan ku yeelato dowladda dhexe, maadaama ay geyneyso ciidamo xoog leh oo la doonayo inay Shabaab ka xoreeyaan.
Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah in ciidamo badan oo ka tirsan xoogga dalka oo lagu soo tababaray Masar, Eritrea iyo Uganda ay dowladdu geyso K/Galbeed, si ay u xoojiyaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ka dagaalama Bay, Bakool iyo Sh/Hoose.
Xogta aan ka heleyno khilaafkaan waxay intaas ku dareysaa in Laftagareen uu hor istaagay magacaabista saraakiisha qeybaha booliska iyo militeriga oo dowladda federaalka ay ku sameysay is-bedel.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Laftagareen uu garab ka dalabday Itoobiya oo ciidamo ay ka joogaan deegaanada Koonfur Galbeed, isagoo ka dhaadhicinaya Itoobiya inay taageerto qorshaha uu ku diidan yahay in dowladda federaalka ay ciidamo geyso K/Galbeed.
Laftagareen wuxuu qorshahaan ku garab wadaa abaabul ay isbaheysi ku sameysanayaan dowlad goboleedyada, kooxdii uu ka tirsanaa ee Nabad iyo Nolol ayaa kala shaqeyneysa abaabulka isbaheysigaas, maadaama ay doonayaan inuu sii joogo xukunka.