Home Wararka Somaliya Puntland Jabhadda Oromada Itoobiya oo la safatay Soomaaliya kana hortimid damaca Abiy

Jabhadda Oromada Itoobiya oo la safatay Soomaaliya kana hortimid damaca Abiy

0

Jabhadda Xoreynta Oromiya oo dagaal kula jirta xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed uu hoggaamiyo ayaa si adag uga hor timid damaca Iyoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.

Jabhadda ayaa qoraal ay soo saartay isaga fogeysay inuu Abiy Axmed yahay nin qowmiyadda Oromada ku metela heshiisyada, ama tallaabooyinka uu qaadayo.

Si gaar ah waxay u soo hadal qaadeen heshiiskii badda ee dhawaan Abiy Axmed uu la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

War-saxaafadeed maanta soo baxay Jabhadda Oromia oo uu ku saxiixan yahay Afhayeenka Jabhadda ayaa lagu caddeeyay in mar kasta maamulka Abiy Axmed uu faafiyo dacaayad uu isugu ekeysiinayo inuu yahay mid matala dadka Oromada.

Sidoo kale Jabhadda ayaa ficillada Abiy Axmed ku tilmaantay kuwo marin habaabin ah oo lagu jaha wareerinayo shacabka Itoobiya, si xukunka uu u sii joogo.

Jabhadda ayaa intaas raacisay in ay Oromadu dagaal kula jirto nidaamka Abiy, heshiiska hadda Somaliland lala gaarayna uu yahay xeelad indhaha caalamka looga jeedinayo dagaallada iyo dhibaatooyinka daran ee ka socda gudaha dalka Itoobiya.

Sidoo kale waxay Jabhaddu waxay cadeysay in heshiiska Muuse Biixi iyo Abiy Axmed uu xadgudub ku yahay madaxbanaanida dalka Soomaaliya.

Warkaan ka soo yeeray mucaaradka Itoobiya ayaa guul weyn u ah Soomaaliya, Abiy Axmed ayaa wajahaya go’doon siyaasadeed oo caalami ah, tan iyo markii uu ku soo xadgudbay madaxbanaanida Soomaaliya ee heshiiska qar-iska tuurninada ah uu la galay Muuse Biixi oo si sharci darro ah ku siiyey bad dhan 20-KM

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeyey Dagaal culus oo ka dhex qarxay ciidamada SSC
Next articleLaftagareen oo Hor Istaagay Dagaalka wajiga Labaad oo La Filaayay in Alshabaab ka Ku Sugan koonfurgalbeed lagu Qaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here