Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Gaaray Wasaarada Gashaandhiga Lana Hadalay Ciidamada Xooga Xili Dagaalka...

Xasan Shiikh oo Gaaray Wasaarada Gashaandhiga Lana Hadalay Ciidamada Xooga Xili Dagaalka Itoobiya laisku diyaarinaayo(Sawiro)

0

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan kula qaatay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta kormeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Madaxweynaha Qaranka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud warbixin ka siiyay xaalada dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah iyo sida ciidamada XDS Soomaaliyeed ay diyaar ugu yihiin Dagaalka dalka lagu sifeenayo loogana taqalusayo Cadawga.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha JFS ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka, waxa uuna kulan guud uu la qaatay Taliyaasha Ciidamada Badda, Cirka, Taliye ku xigeenka Ciidamada dhulka Xooga dalka Soomaaliyeed.

Shirka guud ee Madaxweynaha Qaranka uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka XDS waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha, Madaxda hogaanada iyo Taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleLaftagareen oo Hor Istaagay Dagaalka wajiga Labaad oo La Filaayay in Alshabaab ka Ku Sugan koonfurgalbeed lagu Qaado
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax Goordhow Ka Dhacay Muqdisho